Raheem Sterling ayaa lagu waramayaa inuu aad uga carooday hadal ka soo yeeray madaxii hore ee koox Premier League ah oo ku saabsan ciyaartoyda madowga ah.
Stuart Webber oo ahaa agaasimaha Norwich tan iyo 2023kii ayaa carro badan abuuray ka dib markii uu ka hadlay inuu caawiyay ciyaartooy faqiirnimo ku soo koray.
Nin ayaa ciyaartoyda da’ yar u isticmaalay tusaale oo ay ku jiraan ciyaartoydii ka soo baxay akadeemiga Norwich.
Laakiin waxa uu abuuray carro badan markii uu soo jeediyay in ciyaartoyda madowga ah ay halis ugu jireen inay xabsi ku danbeeyaan haddii aysan ahaan laheyn kubada cagta.
Ninka reer Wales oo 39 sanno jir ah ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa inaan caawino wiilasha u baahan caawimaada. Waxaana taas ka arkay ciyaartoydeena da’da yar.
“Jonny Rowe waxba kama qabo in aan anigu hadalkan idhaahdo (sheego), Abu Kamara, Max Aarons, Jamal Lewis, Raheem Sterling oo aynu dib ugu noqono maalmihiisii Liverpool. Marka aad eegto halka ay ka yimaaddeen waxa ay ku badbaadeen inay ciyaaraan kubadda cagta, haddii kale waqtigan waxa ay ku jiri lahaayeen jeel amaba wax kale.”
Ciyaartoyda uu magac dhabay oo uu ku jiro Sterling ayaa si wey uga carooday hadalka ka soo yeeray ninkaan sida ay qortay The Mirror, halka mid ka mid ah ciyaartoydaas uu xiriir la sameeyay Webber islamarkaana uu weydiistay inuu sharaxaad ka bixiyo hadalka cunsuriyada ah ee uu yiri.
Waxaa sidoo kale ka falceliyay labo ka mid ah ciyaartoyda la magacaabay hooyooyinkooda.
Hooyada daafaca Bournemouth Max Aarons oo lagu magacaabo Amber ayaa X ku soo qortay: “Amakaak ayay igu noqotay cunsuriyada Stuart Webber iyo ixtiraam darrada uu u muujiyay ciyaartoyda madowga ah iyo qoysaskooda.”