Xavi ayaa aad uga careysnaa casaankii la siiyay Ronald Araujo lugtii labaad ee wareega sideeda Champions League.
Tababaraha Catalan ayaa sheegay in dhamaadkii ciyaarta uu garoonka galay islamarkaana u sheegay garsooraha inuu ahaa mid si xun u garsooray ciyaarta isagana uu u sabab u ahaa in kooxdiisa ay ka harto tartanka.
Inkastoo Barca laga reebay Champions League, Xavi ayaa sheegay inuu ku faanayo kooxdiisa.
“Aad ayaan u careysanahay, sababtoo ah go’aan garsoore ayaa ciyaarta bedelay. Wax badan ayuu bedelay casaanka” ayuu yiri Xavi.
“Waa ceeb in shaqo aan soo qabaneynay xilli ciyareedka oo dhan ay ku soo dhamaato go’aan garsoore. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku ciyaarno 11 vs 11. Casaanka wuxuu ahaa mid laga maarmay.
“Waxaan u sheegay garsooraha inuu aad u xumaa, inay musiibo aheyd sidii uu wax u garsooray, in casaankii uu bixiyay ay wax walba bedeleen. Isaga ayaa go’aansaday natiijada waana inaan sidaas sheegno.
“Tan iyo intii aan halkaan joogay wax walba anaga ayay inaga soo horjeedeen. Nasiib kuma aanan laheyn go’aan garsoore. Wax walba anaga ayay lidi nagu ahaayeen.”
Xavi ayaa sidoo kale casaan qaatay intii ay ciyaarta socotay, wuxuuna sheegay inay qaladkiisa aheyd madama uu carro xoogan ku muujiyay kursiga keydka.
Barcelona ayaa hogaan 4-2 ah iska xoortay iyadoo loogu bedelay 6-4 ka dib labadii lug ee wareega sideed dhamaadka Champions League ee ay la ciyaareen PSG.