Tababare Carlo Ancelotti ayaa biyo qabow ku shubay codsigii xeer-ilaaliyaha ee ahaa in lagu xukumo tababaraha Talyaaniga xabsi afar sannadood iyo sagaal bil ah ka dib markii uu ku kacay canshuur lunsi.
Ka dib kulankii Champions League ee ay kooxdisa Real Madrid ka badisay RB Leipzig, Ancelotti ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inuusan danbi gelin islamarkaana xeer-ilaalintu ay qalad sameysay madaama uu Spain deganeyn waqtigii la sheegay inuu canshuur lunsiga ku kacay oo aheyd 2015kii.
“Tani waa sheeko hore oo soo bilaabatay sideed sanadood ka hor, markaas xafiiska xeer-ilaalinta ay moodayeen inaan ahay qof degan Spian, ma aanan aheyn qof degaan ku ah Spain.” ayuu Carlo Ancelotti u sheegay Movistar+.
“Waa bixiyay lacagta ganaaxa, lacagta waxay durba taalaa xafiiska xeer-ilaalinta. Qareenadeyda ayaa ka shaqeynaya in xal la gaaro. Waxaa iga dhaadhacsan inaan ahay qof aan danbi gelin, sababtoo ah deegaan kuma aheyn Spain 2015kii, iyagana sidaas ayay moodaan. Aan aragno wax auu garsooruhu go’aamiyo,”
Xeer-ilaaliyaha dacwada ku soo oogay Carlo Ancelotti ayaa garsooraha ka codsaday in lagu xukumo xabsi afar sannadood iyo sagaal bil ah madaama uu ku kacay canshuur lunsi intii u dhaxeysay 2014 iyo 2015,
Bayaan uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in tababaraha Talyaaniga uu deegaan ku ahaa Spain waqtigaas, islamarkaana uu canshuurtiisa ka xareeyay Spain balse uu ka baaqsaday inuu gudbiyo lacagihii uu ku helay xuquuqda muuqaalka sida xayaysiinada.