Mustaqalka Kylian Mbappe ayaa hadal-hayntiisu ay si weyn hoos ugu dhici doontaa maalinta berri ah iyadoo ay ku egtahay waqtigii ay Real Madrid u qabatay in xiddiga reer France uu bixiyo damaanad ah inuu tegayo Santiago Bernabeu xagaaga iyo in ay ka talo-baxayaan oo aanay mar dambe isku dayi doonin saxeexiisa.
Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa soo dhowaatay waqtigii uu rumayn lahaa riyadiisii carruurnimada ee ahayd in uu ka ciyaaro Real Madrid iyo riyadii Florentino Perez ee dhawrka sannadood uu ka shaqaynayay ee ahayd inuu Mbappe keeno Santiago Bernabeu.
Iyadoo maalinta Isniinta ah la sugayo go’aanka, ayaa waxa telefishanka beIN Sports waraysi siiyey difaacii hore ee PSG ee Luis Fernandez oo sheegay inuu ogyahay in laacibkani uu heshiis cusub u saxeexi doono PSG oo uu kusii negaan doono Parc des Princes.
Luis Fernandez ayaa yidhi: “Haa, wuu joogi doonaa PSG. Kooxdee ugu cadcad inay la saxeexato isaga? Waa Paris. Waa in aynu xasuusnaano markii uu daabacay sawirradiisa iyo kuwa kooxdiisa ee uu sheegay inay qalbigiisa ku taallo kooxdu.
“Markii aan maqlay hadalka Madaxweynaha PSG ee ku saabsanaa arrintan, markii aan arkay Kylian oo isaguna isla sidan oo kale u hadlay, waxa iisoo baxday inuu heshiis cusub u saxeexayo.”
Luis Fernandez oo ka hadlayey sababaha uu Mbappe usii joogi doono PSG ayaa yidhi: “Waxa aanu kooxda keenay Randal Kolo Muani iyo Ousmane Dembele oo isaga (Mbappe) saaxiibbadii ah, isaga ayaana doonayay inay garabkiisa ka ciyaaraan. Waxay ila tahay, in Kylian Mbappe uu qorsheeyey inuu sii joogo Paris Saint-Germain xilli-ciyaareedka dambe.”