Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa magacaabay saxeexiisii ugu fiicnaa ee uu sameeyo intii uu joogay Liverpool, waxaana uu indhaha ka laliyey xiddigo waaweyn sida Virgil van Dijk, Mohamed Salah, Sadio Mane, Roberto Firmino, Diogo Jota iyo xataa Darwin Nunez iyo Luis Diaz.
Klopp oo ay da’diisu tahay 56 jir ayaa loo magacaabay tababaraha Liverpool sannadkii 2015, waxaana uu ku hoggaamiyey hal horyaal oo Premier League ah oo soo afjaray 30 sannadood oo ay ka qatanaayeen horyaalka, hal Champions League, hal League Cup iyo hal FA Cup.
Guulaha uu Jurgen Klopp gaadhsiiyey Liverpool waxa ku suntanaa ciyaartoyda ay ka mid yihiin Virgil van Dijk, Mohamed Salah, Mane iyo Andy Robertson, waxaana ciyaartoydaas uu ku kharash gareeyey lacago ka badnaa £150 milyan oo Gini oo bud-dhig u noqday guulaha kooxdiisa.
Laakiin tababare Jurgen Klopp midkoodna uma aanu dooranin ciyaartoydaas saxeexii ugu fiicnaa, waxaana uu doortay ciyaartoy aanay wax lacag ah kaga bixin oo noqday hoggaamiyaha naadiga.
Jurgen Klopp oo la weydiiyey saxeexiisii ugu fiicnaa intii uu joogay Liverpool, ayaa ku jawaabay: “Waa Trent Alexander-Arnold. Ma aannaan soo iibsanin, laakiin Pep Lijnders oo ah ku-xigeenkayga ayaa ii keenay oo igu yidhi: ‘Waxa uu aniga (kooxda da’yarta Liverpool) iiga ciyaaraa No.6. Waxa uu ka ciyaaraa difaaca midig, garabka midig iyo garabka bidix.
“Kaddibna wuu ii yimid, waxaana jirtay hal dhibaato oo kaliya oo ahayd, in aanu Trent aanu taam buuxa ahayn. Laakiin waa uu da’yaraa, balse wax shaki ah nagagama jirin inuu noqonayo ciyaartoy weyn. Waxa uu sameeyey isbeddello yaryar, kaddibna waxa uu noqday ciyaartoy aan run ahaantii la malayn karin. Kaddib waxa uu sameeyey qaladaad, laakiin isma aanu dhiibin.”
Trent Alexander-Arnold oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Liverpool, waxa uu kooxda koowaad u saftay sannadkii 2016, waxaana hadda u buuxsamay 300 ciyaarood oo uu kooxda koowaad u dheelay iyadoo ay da’diisuna tahay 25 jir.