Xiddiga reer Turkey ee Arda Guler ayaa farxad hor yimid warbaahinta kaddib markii uu dhaliyey goolkiisii koowaad ee Real Madrid ciyaartii ay 4-0 ku garaaceen Celta Vigo, taas oo uu beddel kusoo galay dhamaadkii laakiin uu shabaqa soo taabtay.
Arda Guler ayay u ahayd ciyaartiisii afraad ee horyaalka LaLiga ee uu kasoo muuqdo, isaga oo kursiga kaydka kasoo kacay daqiiqaddii 89aad ayaanu dhaliyey gool qurux badan oo uu goolhayaha usii gooyey.
Marka la isku geeyo dhamaan afartii ciyaarood ee uu saftay waxa kaliya oo uu garoonka ku jiray 26 daqiiqadood, waxaana xalay uu qirtay inuu ka niyad-jabay dhaawacyadii soo gaadhay iyo waqtiga kooxda laga siiyo oo yar, laakiin haddana uu aad ugu farxay goolkii uu dhaliyey iyo jawigii ay jamaahiirta iyo ciyaartoyda Real Madrid kula dabbaal-dageen.
“Wax fiican ayay ahayd in aan gool ku dhaliyo jawiga cajiibka ah ee Santiago Bernabeu. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dhaliyey goolkaygii koowaad, wuu mahadsan yahay qof kasta oo i taageeray. Waxa aan rajaynayaa in ay iman doonaan goolal badan oo kale, aniguna si adag ayaan u shaqayn doonaa sida ay taasi u dhacdo.” Ayuu yidhi Arda Guler.
Intaas kaddib ayuu soo bandhigay tabashadiisa, waxaanu yidhi: “Waxa uu ahaa xilli-ciyaareed adag, waxaasen rajaynayaa in maantalaga bilaabo ay wax walba hagaagi doonaan. Run ahaantii waan ku faraxsanahay halkan, sababtoo ah waa kooxda ugu wanaagsan adduunyada inkasta oo ay igu adkaatay inaan fursad helo. Waxay ila tahay in aan leeyahay tayadii iyo qaabkii aan sare ugu soo kici lahaa.”