Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxay boqollaal milyan oo Gini ku bixiyaan mushaharka ciyaartoydooda, waxaana figta sare fadhiya naadiyada isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City.
Kooxda daalaa-dhacaysa ee Manchester United ayaa noqotay naadiga mushaharka ugu badan siisa ciyaartoydeeda horyaalka Premeir League, waxaanay sannadkii bixisaa £205,756,000 Gini, taas oo ay u dheer yihiin mushaharka shaqaalaha tababarka, shaqaalaha caadiga ah, wakiillada iyo gunnooyinka kale.
Naadiyada yaryar ee Luton Town iyo Sheffield United ayaa noqday kuwa ugu mushaharka hooseeya, sida ay muujinayso xogta maaliyadeed ee mushaharka kooxaha Premier League ee xilli-ciyaareedka 2023/24.
Arsenal ayaa noqotay kooxda kaalinta saddexaad kaga jirta mushahar bixinta horyaalka Premier League, iyadoo kooxda lacagta badan kharash garaysay ee Chelsea ay afraad ku jirto, halka Liverpool ay shanaad ku jirto.
Halkan kaga bogo mushaharka ay sannadkii bixiyaan kooxaha horyaalka Premier League
1. Manchester United – £205,756,000
2. Manchester City – £200,668,000
3. Arsenal – £166,036,000
4. Chelsea – £155,324,000
5. Liverpool – £136,240,000
6. Tottenham Hotspur – £117,520,000
7. Aston Villa – £117,000,000
8. West Ham United – £95,316,000
9. Newcastle United – £84,500,000
10. Everton – £78,978,000
11. Nottingham Forest – £72,050,000
12. Crystal Palace – £69,050,000
13. Fulham – £64,610,000
14. Brighton – £62,400,000
15. Wolves – £53,820,000
16. Bournemouth – £53,794,000
17. Brentford – £39,936,000
18. Burnley – £38,506,000
19. Sheffield United – £28,756,000
20. Luton Town – £24,570,000