Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa tilmaamay inta boos ee uu xulka dalkiisa uga ciyaari karayo xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Kobbie Mainoo ee Manchester United uga soo dallacay kooxda da’yarta.
Kobbie Mainoo ayaa la filayaa in loogu yeedho xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2024, sidoo kalena lagu sii tijaabiyo kulamada caalamiga ah ee ka horreyn doona, kaddib markii uu bandhig heersare ah ka sameeyey kooxda koowaad ee Manchester United.
Waxa uu kusoo bilowday ciyaartii Wolves oo uu dhaliyey gool qurux badan oo dhamaadkii uu guusha ugu go’aamiyey kooxdiisa, isla markaana usoo dallacsiiyey kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta.
Southgate oo la socday korriinka ciyaareed ee laacibkan, ayaa waxa uu doonayaa in uu Kobbie Mainoo ka hor qaado xulka qaranka Ghana oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo oo iyaguna isku dayaya inay 18 jirkan ku darsadaan xulka qarankooda.
Si kastaba ha ahaatee, tababare Gareth Southgate oo waraysi siiyey telefishanka TNT Sports ee hore loo odhan jiray BT Sports oo ka hadlay Mainoo ayaa yidhi: “Waxa uu sameynayaa waxyaabo cajiib ah. Anigu ma hubo in uu ka ciyaari karayo booska kubbad-burburiyaha in badan, laakiin bandhiggiisu waa mid cajiib ah. laakiin waxa uu si fiican uga dheeli karayaa booska No.8”
Mainoo ayaa haddii lagu daro xulka qaranka England, waxa uu kasoo muuqan doonaa ciyaarta saaxiibtinimo ee bisha dambe ee Belgium, iyo kulamada kusii xigaya ee Brazil, Belgium iyo Bosnia-Herzegovina.