Mohamed Salah ayaa taariikh ku sameeyay kulankii Liverpool ay ku xasuuqday kooxda Sparta Praha ee ka dhacay Anfield iyagoo ku badiyay 6-1 taasoo ka dhigeysa inay wadar ahaan labada lug ku badiyeen 11-2.
Liverpool ayaa 4-0 ku hogaaminaysay ciyaarta kaliya markii ay 15 daqiiqo socotay taasoo aheyd waali.
Laakiin goolkii ugu muhiimsanaa ee ciyaarta laga dhaliyay ayaa ahaa goolkii saddexaad ee Reds uu dhaliyay laacibkooda Mohamed Salah, wuxuuna goolkaas xaqiijiyay in Salah uu rikoodh cusub dhigo,
Salah wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Liverpool ah ee 20 gool ka dhaliya tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii toddobaad oo xiriir ah.
Salah ayaa ku jira kaalinta shanaad ee liiska gooldhalinta Liverpool, isagoo dhaliyay 206 gool 336 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool.
Roger Hunt (285), Gordon Hodgson (241) iyo Billy Liddell (228) ayaa ka horreeya gooldhaliyaha Masar, halka Ian Rush uu rikoodhka meel fog geystay isagoo Liverpool u dhaliyay 346 gool.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka Salah ayaa weli ah mid shaki uu ku jiro, iyadoo ciyaaryahanka uu galayo 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa.
Liverpool ayaa diiday dalab 150 milyan oo ginni ah oo uga yimid kooxda Saudi Pro League ee Al Ittihad, waxaana la filayaa in kooxdaas ay dib u soo cusbooneysiiso xiisaheeda xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga.