Waxaa xalay la ciyaaray lugtii labaad ee wareega 16ka Europa League iyadoo sideed kooxood ay u soo gudbeen wareega xiga ee tartanka waxaana ku jira qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.
Seddex kooxood oo Talyaani ah ayaa ka soo xaadiriyay wareega sideed dhamaadka oo ay ugu horeysay kooxda AC Milan, AS Roma iyo Atlanta.
Milan waxay ka soo talaabatay Slavia Prague, halka Atalanta ay soo garaacday kooxda Sporting Lisbon halka AS Roma ay ka soo takhalustay Brighton inkastoo kooxda Ingariiska ay kulankii xalay badisay balse lugtii hore ayaa la soo dilay.
Labo kooxood oo Ingariis ah ayaa u soo gudbay wareega 8da, Liverpool oo wadar ahaan 11-2 ku garaacday Sparta Praha iyo West Ham oo 5-0 xasuuqday Freiburg oo kulankii lugtii hore 1-0 ku soo badisay.
Bayer Leverkusen oo Jarmalka mataleysa waxay ka soo gudubtay Qarabag halka Benfica oo Portugal mataleysa ay soo garaacday Rangers iyadoo Marseille oo Faransiiska mataleysa ay ka soo gudubtay Villarreal inkastoo kooxda Isbaanishka ay 3-1 xalay ku badisay.
LIISKA KOOXAHA U SOO BAXAY WAREEGA 8DA EUROPA LEAGUE:
Atalanta (ITA)
Roma (ITA)
Leverkusen (GER)
Liverpool (ENG)
Benfica (POR)
Milan (ITA)
Marseille (FRA)
West Ham (ENG)
Isku aadka wareega 8da iyo semi-finalka Europa League waxaa la qaban doonaa maanta oo Jimce ah ka dib isku aadka Champions League, waxayna xaflada isku aadka ka dhici doontaa isla magaalada Nyon ee dalka Switzerland oo xarun u ah UEFA.