Xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qish ka bixiyey mustaqbalkiisa Anfield iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu dalabyo lacag badan ah ka haysto horyaalka waddanka Sucuudiga oo illaa sannadkii hore daba socday.
Bixitaankii Jurgen Klopp ayaa Mohamed Salah ku keenay hubanti la’aan mustaqbalkiisa ah, waxaana Reds ay ku dedaalaysaa inay sii xajisato, inkasta oo caqabadda ugu weyn ay tahay in qandaraaskiisu uu ku egyahay June 2025.
Liverpool ayaa waxa ay ka baqaysaa in Mohamed Salah uu si bilaash ah kaga tago xagaaga dambe haddii uu hadda saxeexi waayo qandaraas cusub, waxaanay kala dooranayaan laba dariiq oo adag oo ah in marka hore ay u badheedhaan inay kusii adkaystaan oo ay sii haystaan haddii uu heshiis cusub saxeexo iyo haddii uu diidaba iyo dookha labaad oo ah inay iibiyaan oo ay qaataan lacagta badan ee ay kooxaha Sucuudigu diyaarka ula yihiin.
Al-Ittihad oo sannadkii hore Mohamed Salah dul-dhigtay £170 milyan oo Gini, ayaa mar kale la rumaysan yahay in ay diyaar u tahay inay isku daydo inay la saxeexato laacibkan, waxaana Axaddii uu shaki weyn galay jamaahiirta Liverpool markii ay arkeen Salah oo garoonka Anfield lasoo galay labadiisa hablood ee Makka oo 10 jir ah iyo Kayan oo 4 jir ah.
Mohamed Salah oo farriin u diray Jurgen Klopp markii uu kooxda macasalaameeyey ayuu ugu sheegay, in xilli-ciyaareedka dambe ay wax walba u samayn doonaan sidii ay koobab ugu guuleysan lahaayeen, isaga oo sheegay in jamaahiirta kooxdiisu ay u qalmaan in koobab hadiyad looga dhigo, taasna ay u dagaallami doonaan.
Hadalkan ayaa loo fasirtay in Mohamed Salah uu sii joogayo Anfield xilli-ciyaareedka dambe.