Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday, in ay shaqada ka eriday tababaraheedii Mauricio Pochettino oo 11 bilood ka hor xilkan loo magacaabay, kaas oo inta uu kasoo qaaday kaalinta 11aad ee Premier League oo ay xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay keenay booska lixaad xilli-ciyaareedkan.
War-saxaafadeed ay soo saartay Chelsea ayaa lagu sheegay, in tababare Mauricio Pochettino iyo kooxdu ay isla qaateen in heshiiska la burburiyo, isla markaana uu ka tago kooxda.
Sidii aanu maanta idiinku soo gudbinay wararkayagii hore, Mauricio Pochettino ayaa kulan kula ballansanaa maamulka kooxda si ay u qiimeeyaan bandhiggii kooxda ee xilli-ciyaareedkan, waxaana hawshaas uu Todd Boehly oo markii hore la filayey inuu goob-joog ka ahaado uu u xil-saaray Paul Winstanley iyo laurence Stewart.
Qiimayntii la sameeyey, ayaa waxa kasoo baxday in Mauricio Pochettino uu ka tago kooxda oo uu si weyn uga soo qaaday halkii ay sannadkii hore ku dhamaysatay isla markaana uu keenay kaalinta lixaad, sidoo kalena finalka Carabao Cup ay Liverpool rikoodheyaal kaga qaadday iyo FA Cup oo semi-finalka ay Manchester City ku reebtay.
War-saxaafadeedka ay soo saartay Chelsea ayay ugu mahad-celisay Mauricio Pochettino, waxaana hadda ay kooxdu bilaabaysaa raadinta tababare cusub oo hoggaamin doona xilli-ciyaareedka dambe.
Afar tababare ayaa magacyadoodu ay durba bannaanka yimaaddeen oo lala xidhiidhinayaa in Chelsea ay midkood ka dhigan doonto tababaraheeda cusub, waxaana ugu horreeya Sebastian Hoeness oo ah macallinka kooxda reer Germany ee Stuttgart oo xilli-ciyaareedkan kaalinta labaad kala baxday Bayern Munich, Michel oo ah tababaraha Girona oo ay kooxdiisu kaalinta saddexaad ka gashay horyaalka LaLiga, isla markaana markii ugu horreysay taariikhdooda kasoo qayb-geli doona tartanka Champions League, Kieran McKenna oo ah tababaraha Ipswich saddexda jeer soo dallacsiiyey ee heerka labaad keenay hadda, kaas oo hore uga mid ahaa shaqaalaha tababarka Man United balse haddana ay Red Devils doonayso inay ku beddesho Erik ten Hag. Tababaraha afraad ayaa ah macallinka Leicester City kusoo celiyey horyaalka Premier League ee ay xilli-ciyaareedkii hore ka dhacday ee Enzo Maresca.
My idea
Chelsea coach indeed dematio