Tababaraha Barcelona Xavi Hernandez waxaa ka dhamaaday sabarkii uu hayay warbaahinta ka dib su’aalo laga weydiiyay mustaqbalkiisa markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay ka badiyeen Napoli iyagoo u soo baxay wareega sideed dhamaadka Champions League.
Lugtii labaad ee wareega 16ka ayay Barca waxay ay 3-1 uga takhalustay kooxda Talyaaniga, waxayna haatan u soo baxeen wareega sideeda.
Ciyaarta ka dib, Xavi ayaa wax laga weydiiyay mar kale mustaqbalkiisa kooxda, laakiin waxa uu ka bixiyay jawaab ay carro ka muuqato isagoo ka daalay inuu ka hadlo arintaan.
Waxaa tababaraha Barcelona la weydiiyay haddii uu kooxda sii joogayo haddii ay ku guuleystaan Champions League xilli ciyaareedkan, waxa uu ku jawaabay:
“Waxaad si joogta ah ii weydiineysaa haddii aan joogo haddii aan ku guuleysano Champions League… maya, ma sii joogi doono.”
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Mustaqbalkeyga ma ahan mid isbedelaya. Jawaabteyda isma bedeli doonto.
“Waan baxayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Waan ku riyaaqi doonaa Champions League xilli ciyaareedka soo socda laakiin taageere ahaan kaliya.”
Barcelona ayaa suuqa ugu jirta bedelka tababare Xavi iyadoo lala xiriiriyay tababaraha kooxda Sporting Lisbon, tababaraha Bayern Munich ka tagaya Thomas Tuchel iyo tababarayaal kale.