Mikel Arteta oo murugeysan ayaa sheegay inay sannado badan qaadan doonto ka hor inta aysan Arsenal kor u qaadin koobkeedii ugu horeeyay ee Champions League ka dib markii ay xalay ku hareen wareega sideed dhamaadka.
Ka dib barbarihii 2-2 ee todobaadkii hore, kooxda Arsenal ayaa guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Bayern Munich ka dib gool uu madax ugu dhaliyay Kimmich.
Gunners ayaa haatan u tartameysa kaliya koobka Premier League iyadoo halis ugu jirta inay xilli ciyaareekda ku dhameysato koob la’aan.
Arteta ayaa yiri: “Ciyaartoyda waxay ku murugeysan yihiin qolka labiska. Ma heli karo ereyada saxda ah ee aan niyada ugu dhisi karo. Waan jeclaan lahaa inaan aqaano. Waa inaan xanuunkaan marnaa.
“Waxaan ka hor imaanay koox leh khibrad aad u weyn, farqiga wareegaan wuxuu ahaa mid aad u yar. Waxaan sameynay qalad difaacasho, gool ayaana naga dhashay.
“Kooxdaan kama ciyaareynin Champions League muddo todoba sannadood ah, sannadkii ugu horeeyay ee aan ku soo laabanay dadku waxay naga filayeen inaan ka ciyaarno semi-finalka iyo finalka.
“Dhamaanteen ayaa sidaas dooneynay, si weyn ayaan u rabnay, laakiin sida aad ka aragto kooxaha kale waxay qaadataa lix ama todoba sannadood in koobka lagu guuleysto. Waan ku dhaweyn, taas ayaana ah xaqiiqda.”