Jurventus ayaa lagu amray inay Cristiano Ronaldo siiso 8.3 milyan ginni oo u dhiganta 10 milyan euro oo mushahar ahaan uu ugu lahaa sida ay amartay maxkamad Talyaani ah.
Ronaldo oo 39 sanno jir ah ayaa ogolaaday inuu mushaharkiisa dib loo dhigo markii kubada cagta Talyaaniga ay saameysay caabuqii Korona Fayras xilli ciyaareedkii 2020-21.
Xiddiga reer Portugal ayaa sheegay inuu ku leeyahay kooxdiisa hore mushahar gaaraya 17 milyan ginni.
Maxkamada Isboortiga ayaa sheegtay inay qasab tahay in Juventus ay bixiso lacagta uu ku leeyahay ciyaaryahanka marka laga gooyo canshuurta iyo waxyaabaha la mid ah.
Ronaldo ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay Italy isagoo Juventus u ciyaaray intii u dhaxeysay 2018 iyo 2021kii, isagoo kula guuleystay labo horyaal oo Serie A ah.
Markii uu ka tagay waxa uu ku laabtay Manchester United oo uu la joogay 16 bilood ka hor inta uusan u wareegin kooxda Sacuudiga ee Al-Nassr.
Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayay majalada Forbes u magacowday xiddiga isboorti ee lacagta ugu badan shaqeystay 2023kii, isagoo shaqadiisa ku helay 109 milyan ginni.