Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa laga dalbaday inuu kabtannimada ka xayuubiyo xiddiga reer Norway ee Martin Odegaard, isla markaana ku wareejiyo ciyaartoy kale oo muujiyey inuu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee ku jira Gunners.
Halyeygii Arsenal, Chelsea, Barcelona iyo xulka France ee Emmanuel Petir ayaa usoo jeediyey Mikel Arteta, in uu si degdeg ah kabtannimada uga wareejiyo khadka dhexe ee kooxdaas ee Martin Odegaard oo xilkan loo magacaabay ka hor intii aanu bilaabmin xilli-ciyaareedkii 2022/23.
25 pjirkan ayaa wali sii xidha kabtanka kooxda, waxaase saaran cadaadis badan oo bandhiggiisa ciyaareed iyo hoggaamintiisaba ah.
Emmanuel Petit oo muddo saddex sannadood ah u ciyaaray Arsenal, ayaa rumaysan in Declan Rice uu ku habboon yahay kabtannimada kooxda marka la eego hoggaamintiisa dabiiciga ah, bandhiggii uu sameeyey ciyaartii Liverpool iyo saamaynta uu ku leeyahay kooxda intaba.
Petit oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Arsenal waxay Liverpool kaga guuleysatay khadka dhexe. Waxa bandhiggooda fure u ahaa ciyaartoyda khadka dhexe oo awood jidheed, farsamo iyo xeeladeedba kaga adkaaday kuwa Liverpool. Jorginho iyo Rice bandhig heersare ah ayay muujiyeen.
“Rice waa in uu noqdo kabtanka Arsenal, aniga aragtidayda, sababtoo ah waxa uu leeyahay dhaqan heersare ah, waa hoggaamiye, waxa uu leeyahay waxyaabo uu kaga duwan yahay ciyaartoyda kale ee kooxda, waxaanu saamayn badan leeyahay kulamada waaweyn.”
Rice ayay Arsenal kasoo iibsatay West Ham xagaagii, waxaana 23 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey saddex gool oo ay ku jiraan laba uu dhamaadkii ka dhaliyey Manchester United iyo Luton Town.