Saddex ciyaartoy oo kooxda koowaad ee Manchester United ah ayaa toddobaadkan ka tegi karaya garoonka Old Trafford oo naadiyo kale u wareegi karaya, iyadoo ay soo baxayaan qorshaha dibu-habaynta ee uu Sir Jim Ratcliffe ku samaynayo kooxdaas.
Maalqabeenka reer UK ee Sir Jim Ratcliffe ayaa maalgelin ku samayanaya Manchester United oo uu la wareegay maamulkeeda iyo 25% mulkiyadda kooxda oo dhowaan ay ka iibiyeen qoyska reer Glazer.
Sir Jim ayaa waxa uu doonayaa in kooxdu ay si fiican ku dhamaysato horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan iyagoo hadda siddeed dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta afraad kaga jirta Premier League, sidoo kalena ay ku ytartamaan FA Cup maadaama ay koobabka kale ka hadheen.
Sida ay sheegtay warbaahinta ESPN, kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxay diyaar u tahay inay ogolaato inay iska dirtio xiddigeeda khadka dhexe ee Christian Eriksen oo ay u bannaan tahay inuu tago horyaalka waddanka Turkey oo wali uu furan yahay suuqiisu.
Waxa kale oo ay Red Devils diyaar u tahay inay £6.8 milyan oo Gini ku iibiso weeraryahanka reer France ee Anthony Martial oo ay doonayso Fenerbahce, halka ciyaartoyga saddexaadna uu yahay difaaca dhexe ee reer France ee Raphael Varane oo ay doonayso kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Nassr, kaas oo wali uu furan yahay suuqiisu.