Weeraryahanka West Ham Michail Antonio ayaa waxba u reeban taageerayaasha Arsenal isagoo ku tilmaamay kuwa khiyaali ku jira.
Kaliya bil ka dib markii West Ham ay guuldarro lix gool ah ka soo gaartay Gunners, Antonio ayaa soo bandhigay naceybka uu u qabo kooxda ka dhisan Waqooyiga London. Wuxuu aaminsan yahay in taageerayaasha Arsenal ay mar walba ka sii hordhacaan ku guuleysiga koob.
Waxa uu dhawaan ka soo muuqday barnaamihka The Footballer’s Football Podcast, waxa uu yiri: “Taageerayaasha Arsenal way iga careysiiyaan. Waxaan ka hadlayaa wakiilkeyga, qoyskeyga iyo asxaabteyda oo taageere Arsenal ah. Sababtoo ah mar kasta oo ay ku dhow yihiin inay wax ku guuleystaan waxay is moodaan kooxda dunida ugu fiican.
“Xaqiiqdii waa wax aan la rumeysan karin sida ay khiyaali u yihiin dadkaan. Sannadkii la soo dhaafay Arsenal waxaan ku garaacnay gurigeena markii ay hogaanka u hayeen horyaalka, wakiilkeyga ayaa i soo wacay wuxuu ii sheegay inaan ahay mid lagu qasaaray.”
Mikel Arteta ayaa ku guuleystay in Arsenal uu ka dhigo koox mar kale u tartameysa Premier League iyagoo haatan hogaanka u haya horyaalka oo ay isku dhibco yihiin Liverpool halka ay dhibic ka sareeyaan Man City.
Si kastaba, xilli ciyaareedkii hore waxay iska qasaariyeen fursad weyn ka dib markii ay kala daateen dhamaadkii xilli ciyaareedka taasoo u ogolaatay Man City inay horyaalka ka qaado.