Portugal ayaa kasoo gudbay xulka Slovenia ciyaar 120 daqiiqo lesla gaaray,iyadoo kadib lagu kala baxay gool ku laadyo.
Cristiano Ronaldo ayaa xalay markale gool la’aan baxay ilaa iyo imikana wuxuu ku rafaadsan yahay inuu helo goolkiisa ugu horeeya ee Euro 2024, Fursad weyn ayuu heystay Balse wuu qasaariyay kadib markii goolhaaye Jan Oblak uu ka qabtay Rigoore.
Balse xalay waxaa dunida ka yaabsaday Goolhaayaha Portugal Diego Costa kaasi Slovenia ka qabtay 3 Rigoore, wuxuuna noqday goolhayihii ugu horeeyay ee 3 rigoore ka qabta tartanka Euro.
Portugal ayaana sidaasi iskaga xaadiriyay wareega 8-da, Dhinaca kale Faransiiska ayaa garaacay xalay xulka Belgium, Gool uu iska dhaliyay Vertonghen ayaana Belgium lagu reebay.
Tani waxay ka dhigan tahay in xulalka Portugal iyo France isku dhacayan, waxayna ciyaari doonan Jimcaha , waxaana iska hor imaan doona Mbappe iyo ninka uu ku daydo ee Cristiano Ronaldo.
Waxay noqon doonta ciyaar adag oo ay dunida oo dhan wada sugeyso.