Habeenimadii isniinta Portugal ayaa u soo baxday wareega 8da ee Euro 2024 kadib markii ay rigoorayaal ku dubatay Slovenia Ciyaar barbaro ku dhamaatay balse waqti dheeri lesla aaday.
Goolhaye Diogo Costa ayaa ahaa xidigii ugu wacnaa isagoo badbaadiyay saddex rigoore halka Portugal ay dhaliyeen seddexd gool ku laad.
Si kastaba ha ahaatee, Portugal ayaa ku guuleysan kartay ciyaarta waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, haddii uu rigoore laga qaban lahayn Cristiano Ronaldo.
Portugal ayaa rigoore loo dhigay markii Diogo Jota lagu dhex tuuray diilinta ganaaxa dhexdeeda, laakiin Ronaldo oo shan jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa arkay kubadii uu laaday oo uu badbaadiyay Jan Oblak.
Ronaldo ayaa ilmeeyay waqtigii nasashada ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta, laakiin BBC-da ayaa dareen yar ka muujisay.
Inta lagu jiro falanqaynta dhacdooyinka ciyaarta waxaa ka soo muuqday shaashadda Magac lagu bahdilay Ronaldo oo la calamaadeeyay waxaana uu ahaa ‘Misstiano Penaldo’. Oo ay kala jeedan in Ronaldo markasta uu ku qaraabto rigoore balse laga diiday.
Kabtankii hore ee England iyo Chelsea John Terry hubaashii ma uusan ku qancin falkan.
Waxa uu Instagram soo dhigay sawirkii ay BBC-da ugu gaftay Ronaldo , isagoo ku qoray: “BBC tani waa ceeb!”
Si kastaba Portugal ayaa u gudubtay wareega 8da waxayna jimcaha la ciyaari doonan xulka qaranka France kulan ka tirsan wareega 8-da ee koobka Euro 2024.
Ronaldo France su keeso Oyin haga celiso France