Jurgen Klopp ayaa carro darteed uga dhaqaaqay wareysi uu bixinayay ka dib su’aalo laga weydiiyay ciyaartii ay Liverpool guuldarada 4-3 ka soo gaartay Man United ee FA Cup.
Liverpool ayaa labo jeer hogaanka u qabatay ciyaarta balse waxaa rajadoodii afarta koob soo gabagabeeyay Amad Diallo oo dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada ee ciyaarta.
Klopp ayaa jawi careysan ku jiray ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay, waxaana uu carro darteed uga dhaqaaqay wareysi uu siinayay Viaplay ka dib markii su’aalo laga weydiiyay ciyaarta.
Tababaraha Reds ayaa ka carooday nooca su’aalo ee la weydiiyay, iyadoo wariyaha uu ku yiri: “Caadiyan, xamaasad iyo firfircooni waa waxa ciyaartaada lagu yaqaano, sidee bay ku dhacday inay ciyaarta idinku adkaato waqtigii dheeriga ahaa.”
Klopp oo wajigiisa carro xoogan ay ka muuqatay ayaa ku jawaabay: “Waa su’aalo doqonimo ah, sababtoo ah wax badan ayaad ina aragtay.
“Haddii aadan ina arki laheyn, waxaad is weydiin laheyd halkee ayay ka keeneen tamarta dheeriga ah? Waxaan ciyaarnay kulamo aad u badan dhawaan. Ma garanayo inta kulan ee ay Man United ciyaartay. Aad ayaan uga niyadjab su’aashaas, laakiin waxaad mooday inay su’aal fiican tahay.”
Wariyaha ayaa ka dib yiri: “Kulamo badan miyaad ciyaarteen?” ka hor inta uusan Klopp furka tuuranin isaga dhaqaaqin wareysiga, wuxuuna yiri: “Sida iska cad kuma jirtid xaalad fiican, waqti kuuma hayo.”