Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa magacaabay xiddigii dhiirigelinta siiyey ciyaartoyda kooxdiisa ee sababta u noqday guushii 4-3 ahayd ee ay ka gaadheen Liverpool oo ay ku reebeen wareegga siddeedda FA Cup.
Manchester United ayaa iska xaadirisay semi-finalka oo ay waliba ku dhacday Coventry City, waxaanay taasi siinaysaa fursad weyn oo ay finalka ku tagto.
Amad Diallo ayaa noqday geesiga Manchester United u dhaliyey goolka guusha daqiiqaddii 121aad, iyadoo ay dhamaad yihiin laba daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta oo ay labada tababareba waqtigaas ka fikirayeen ciyaartoyda u tuuraysa rikoodheyaasha.
Tababare Erik ten Hag oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu ammaan kula dul-dhacay weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo uu ku tilmaamay ciyaartoyga furaha u ahaa guushii ay shalay kooxdiisu gaadhay, sidoo kalena waxa uu amaanay laacibka reer Brazil ee Antony oo uu xusay inuu dib usoo ceshanayo qaab-ciyaareedkiisii.
“Isaga ayaa dhiirigelinta siiyey ciyaartoyda kale. Waxa aanu haysanaa koox mustaqbalka ah, ciyaartoyda soo kacaysaana waa kuwo horumar wanaagsan samaynaya, sida Diallo, Garnacho iyo Mainoo.”
Waxa kale oo uu Erik ten Hag ka hadlay Antony, waxaanu yidhi: “Muhiim ayuu u ahaa goolka uu dhaliyey, sababtoo ah in badan ayuu dhibaatooday, waxaanu lumiyey kalsoonida balse hadda dib ayuu u dagaallamaya.
“Labadii toddobaad ee u dambeeyey waxaynu aragnay in uu soo ;laabanayo, waxa aan ku arkay tababarka, waxa aan arkay Antony-gii aan ku aqaanay Ajax.”