Ciyaarta wareegga 16ka Champions League ee Barcelona iyo Napoli ayaa khatar weyn ay kasoo waajahan tahay, sida Salaasadii maanta ay shaacisay wasaaradda Arrimaha gudaha Talyaaniga, taas oo taageereyaal badan oo cunsuriyiin ah oo aan wax tigidh ah oo ay kulanka ku daawanayaan ay qas ka abuuri doonaan.
Waaxda xidhiidhka dadweynaha iyo la-dagaallanka cunsuriyadda ayaa shaacisay, in kulankan oo fiidka hore ee Salaasada March 12 ee lugta labaad ee wareegga 16ka ee ka dhici doonta garoonka Estadi Olimpic Lluis Company ee magaalada Barcelona in ay noqon doonto mid rabshado hadheeyaan.
Lugta hore ayaa waxa ay ka dhici doontaa garoonka Diego Maradona Stadium ee magaalada Naples maalinta Arbacada ee February 21.
Waxa la filayaa sida ay wasaaradda Arrimaha Gudaha Talyaanigus heegtay, in magaalada Barcelona ay u safri doonaan taageereyaal badan oo raaci doona Napoli iyaga oo aan wax tigidh ah oo ay garoonka ku gelayaan aan haysanin, iwsla markaana ay yihiin cunsuriyiin u diyaarsan inay ku dagaallamaan gudaha magaalada oo ay qas abuuraan.
Taageereyaasha Napoli oo taariikh ahaan lagu yaqaano inay ku jiraan gaangistaro dhibaato badan, waxa xilli-ciyaareedkii hore ay dhibaato ka abuureen ciyaartii Eintracht Frankfurt ee wareegga siddeedda ee ka dhacday magaalada Naples.
Talyaanigu waa ay yaqaanaan taageereyaasha xagjirka ah ee Napoli ee ay caaddifadda iyo cunsuriyaddu madax martay, waxaanana marka ay kooxdoodu ciyaarayso garoonka la keenaa askar badan iyadoo ammaanka magaaladana la sugo.