Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la sheegay in ay qaadanayso go’aan lama filaan ah oo ay macallinkeeda ugu magacaabayso Jose Mourinho oo u beddeli doona Jurgen Klopp oo ka tegaya dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana Reds ay dhinaca Mourinho u jeedsatay markii ay ku hungowday laba tababare oo ay si weyn u doonaysay.
Liverpool ayaa waxa la sheegay in dookheeda koowaad ahaa Amorim oo ah tababaraha Sporting Lisbon oo wada-hadallo toos ah kula jira West Ham United oo u muuqata, in ay kaga guuleysanayso Reds. Waxa kale oo ay Liveprool doonaysay tababaraha Inter Milan ee Simone Inzaghi oo isaguna toddobaadkan ku dhawaaqayinuu sii joogayo kooxdiisa uu xalay u qaaday horyaalka Serie A.
Xabi Alonso oo bilowgii hore ay Liverpool isku dayday inay kasoo afduubato Bayer Leverkusen ayaa isaguna go’aanka Inzaghi oo kael gaadhay isagoo naadigiisana ka caawiyey inay markii ugu horreysay taariikhdeeda ku guuleysato horyaalka Bundesliga.
Liverpool ayaa dhacdooyinkan dhinaca tababaraha ah ee ay la kulmeen, waxa ay ku riixeen in ay indhaha u jeediso dhinaca Jose Mourinho oo sannadkii 2004 ay qarka u saarnaayeen inay magacaabaan balse ay Chelsea ka hor qaadday, waqtigaas oo Reds ay u doonaysay inuu u bddelo Gerard Houllier, balse markaas kaddib ay iyaguna magacaabeen Rafa Benitez oo u qaaday Champions League.
Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa ku warramay in Jose Mourinho uu hadda yahay tababaraha hormoodka u ah macallimiinta la filayo in Liverpool ay midkood xulato.