Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa sheegay, in aanu soo dedejin doonin kabtanka kooxdiisa ee Reece James oo uu siin doono waqtiga ugu habboon ee uu sida buuxda uagaga soo kaban karayo dhaawaca uu u jiifo.
Reece James ayaa waxa uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay bishii August ee sannadkii hore, waxaana uu galay qalliin isaga oo kaliya siddeed kulan u saftay kooxdiisa xilli-ciyaareedkan socda, halka xilli-ciyaareedkii horena uu kaliya dheelay 16 kulan oo uu inta kale dhaawac u jiifay, waxaanu ka maqnaa Koobkii Adduunka ee December 2022 lagu qabtay waddanka Qatar.
Laacibkan ayaa la sheegay in uu halis ugu jiro inuu ka maqnaado tartanka qaramada Yurub ee Euro 2022 lagu ciyaari doono waddanka Germany, laakiin haddana Pochettino ayaa rajo gelinaya laacibkan.
Pochettino oo la weydiiyey waqtiga soo-laabashada Reece James ayaa yidhi: “Ma sheegi karayo taariikhda uu soo laabanayo. Yoolkiisa iyo kaayaguba, waa in uu taam noqdo oo uu dareemo farxad. Kaddib waxa aynu eegi doonaa suurtogalnimada haddii uu tegi karayo tartanka qaramada Euro iyo in kale, ama inuu diyaar u noqonayo xilli-ciyaareedak dambe ama in uu dheeli doono ka hor inta aanu dhamaanin xilli-ciyaareedku.”