Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa u jawaabay Jamie Carragher ka dib markii khabiirka Sky Sports uu ku dhaleeceeyay Odegaard sidii uu u dabaaldegay ka dib guushii 3-1 ee ay ka gaareen Liverpool.
Ka dib markii ay ciyaartoyda la dabaaldegeen taageerayaashii soo xaadiray Emirates Stadium, Odegaard ayaa garoonka baaqi ku sii ahaaday dhowr daqiiqadood isagoo xitaa sawiro ka qaaday sawiqaadaha kooxda Stuart MacFarlane.
Waxay taasi ka careysiisay halyeeyga Liverpool Jamie Carragher kaasoo yiri: “Waad badisay ciyaarta, waad heshay seddexda dhibcood, orodoo aad qolka labiska.”
Daaficii hore ee Liverpool ayaana ku celiyay weerarka uu ku qaaday Odegaard isagoo qoraal soo dhigay baraha bulshada islamarkaana kaftan ka sameeyay sawirka Odegaard u saaran barihiisa bulshada.
Gary Neville ayaa sidoo kale habdhaqanka Odegaard ku tilmaamay “caruurnimo”, waxaana dabaaldegiisa uu soo xusuusiyay sida ay ciyaartoyda Arsenal u dhaqmeen guushii 2-1 ee ay ka gaareen Leicester City xilli ciyaareedkii 2015/16 markaasoo ay sawir caan noqday ku galeen qolka labiska , laakiin sawirkaas ayaa qarow ku noqday madaama Leicester ay xilli ciyaareedkaas qaaday horyaalka.
Laakiin Odegaard ayaa difaacay dabaaldegiisa, isagoo ku dooday in dabaaldegiisa uu ahaa kaliya mid muhiimad siinaya natiijada weyn ee ay gaartay kooxdiisa.
“Waxaan aaminsanahay in qof walba oo jecel kubada cagta iyo qof walba oo fahamsan kubada cagta inay ogsoon yihiin muhiimada ay leedahay inaan kulankaan badinay” ayuu yiri.
“Haddii aan laguu ogoleyn inaad dabaaldegto marka aad badiso, goormee ayaa la ogol yahay dabaaldega? Waan faraxsanahay, mana nihin kuwa isla weyn. Ka dib markii aan aheyn kooxda ugu sareysa inta badan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, dabcan waan jecel nahay inaan noqono kooxda ugu sareysa.”
“