Kooxda kub adda cagta Real Madrid ayaa murugaysan, sidoo kalena jamaahiirteeda iyo kuwa Spain ayaa la qaybsanaya murugada kaddib markii la xaqiijiyey in uu geeriyooday goolhayihii hore ee kooxdan ee ku suntanaa taariikhdooda iyo koobabkii tirada badnaa ee ay ku guuleysteen.
14 bilood oo uu la daalaa-dhacayay xanuunka ALS ayaa maanta uu u geeriyooday, waxaana Real Madrid iyo xidhiidhka kubadda cagta Spain ay tacsi u direen qoyska, taageereyaasha iyo dadkii jeclaa ee uu ka geeriyooday Miguel Angel.
Decemb er 2022 ayaa laga daaweeyey xanuunkan, iyadoo kharashka caafimaadkiisa ay bixinaysay Real Madrid, laakiin war-saxaafadeed ay soo saartay kooxdu ayaa lagu sheegay in uu geeriyooday Angel oo ay murugada la qaybsanayaan Mana del Pilas oo ahayd xaaskiisii iyo qoyskiisa.
Muddo 18 sannadood ahayd ayuu u ciyaaray Real Madrid, waana intii u dhaxaysay 1968kii illaa 1986kii, waxaana muddadaas ay kooxdu ku guuleysatay 16 koob oo waaweyn oo ay ku jiraan laba Champions League iyo siddeed horyaal.
Xilli-ciyaareedkii 1975/76 ayaa uu ku guuleystay abaal-marinta Zamora Trophy kaddib markii goolashii ugu yaraa laga dhaliyey tartamada oo dhan, waxaana sidoo kale uu waqti kusoo qaatay kooxaha Atletico Orense iyo Castellon.
Xulka qarank Spain ayaa uu Angel u saftay 18 ciyaarood isaga oo kala qayb-galay labadii Koob Adduun ee 1978 iyo 1982.
Markii uu ka tegay Real Madrid sannadkii 1986kii, waxa uu ka mid noqday shaqaalaha kooxda, isaga oo mar isku qabtay laba xil oo ahaa tababaraha goolhayaha iyo safiirka kooxda uga qayb-gala shirarka.