Halyeyga Talyaaniga ee Gianluigi Buffon ayaa dhulka jiid-jiiday kooxdiisii hore ee Paris Saint-Germain ee uu waqtiga kooban u ciyaaray, waxaana uu sheegay in markii uu kooxdaas tegay uu ogaaday saabta aanay marnaba ugu guuleysan karaynin tartanka Champions League.
PSG oo shirkadda Qatar ee PSI ay lacag badan ku maalgelisay ayaa xiddigo waaweyn iskugu keentay garoonka Parc des Princes, waxaana isku hal mar joogay Gianluigi Buffon, Lionel Messi, Kylian Mbappe, Neymar, Angel di Maria, Marquinhos, Verratti iyo xiddigo kale oo waaweyn, laakiin waxay haddana awoodi waayeen inay guul ka keenaan tartanka Champions League.
Gianluigi Buffon oo ah ciyaartoyga ugu safashada badan guud ahaan ciyaartoyda Talyaaniga, waraysi siiyey barta YouTube-ka ee BSMT waxa uu ku sheegay inuu niyad-jab kala kulmay waqtigii uu joogay kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska oo uu tegay kaddib 18 sannadood oo uu joogay Juventus oo uu kula guuleystay sagaal horyaal oo Serie A ah, shan Coppa Italia iyo toddoba Serie B Championship.
Buffon ayaa inkasta oo uu ku guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2006, waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay isaga oo aan ku guuleysanin tartanka Champions League, inkasta oo uu tegay saddex final oo tartankan ah.
Mar la weydiiyey sababta PSG oo xiddigo waaweyn ay ku urursanaayeen ay ugu guuleysan weyday Champions League waxa uu ku jawaabay: “Waxa aan halkaas ku arkay ciyaartooyo aanay tayadooda qiyaasi karayn. Waqtigii Juventus, waxa aan u malaynayey in aanu ahayn kooxda ugu wanaagsan adduunyada, laakiin waxa aan arkay dhamaan ciyaartoydii Paris, sida Neymar, Mbappe, Verratti, Marquinhos, Thiago Silva iyo kuwo kale.”
Buffon oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Haddii aanu iyaga keeni lahayn Turin, afar jeer oo isku xigta ayaanu ku guuleysan lahayn Champions League. Mar walba aniga ayaa naftayda weydii, sidee ayay PSG ugu guuleysan weyday Champions League? Waxa aan naftayda u sheegay in ay tahay wax aan la fahmi karaynin iyo nolosha kugu xeeran, laakiin anigu waan fahmay sababta.”