Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib usoo dhoweysay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo ka maqnaa muddo 40 maalmood ah, waxaana uu kusoo laabtay tababarka buuxa ee kooxdaas kaddib markii uu horraanta bishii January tegay waddankiisa Masar oo uu kala qayb-galay tartanka qaramada Afrika oo uu kusoo dhaawacmay.
Mohamed Salah oo 18 gool u dhaliyey kooxdiisa Liverpool ayaa hal kulan oo kaliya u saftay intii uu bilowday sannadkan 2024, waana ciyaartii ay 4-2 ku karbaasheen Newcastle United waqtigii lagu jiray dabbaal-degga sannadka cusub.
Xulkiisa Masar ayuu kaga dhaawacmay ciyaartii labaad ee wareegga group-yada oo ay Ghana la dheeleen, waxaana uu dib ugu soo laabtay Ingiriiska oo daaweyn loogu samaynayay, balse ugu dambayntii maanta oo Salaasa ah ayuu dib ugu soo laabtay tababarka buuxa oo uu ciyaartoyda kooxdiisa la qaatay.
Liverpool oo isku diyaarinaysa safarka ay ku tegayaan Gtech Community Stadium oo ay duhurnimada Sabtida marti ugu noqon doonaan Brentford ayuu Mohamed Salah ka mid noqday ciyaartoydii maanta ku sugnayd Kirkby ee tababarka ku qaadanaysay.
Tababare Jurgen Klopp ayaa faahfaahin buuxda oo taam ahaanshaha Mohamed Salah ah bixin doona Jimcaha, laakiin waxa ay saxaafaddu ku warramaysaa in uu laacibkani kusoo bilaaban doono kulanka Brentford kaddib lix usbuuc oo uu garoomada ka maqnaa, waxaana haddii ay Brentford ka adkaadaan ay mar kale shan dhibcood ku qaban doonaan hoggaanka illaa inta ay soo baxayaan natiijooyinka kulamada Man City iyo Arsenal ee usbuuca soo socda.
Haddii aanu Mohamed Salah kusoo bilaabanin ciyaarta Brentford, waxa uu safka hore hoggaamin doonaa ciyaarta Luton Town ee February 21, taas oo ay sidoo kale ku xigayso finalka Carabao Cup ee Chelsea.
Waxa kale oo tababarka Liverpool kusoo laabtay Alisson Becker iyo Joe Gomez oo xanuun kaga maqnaaday kulankii ay Sabtidii 3-1 ku garaaceen Burnley, halka da’yarka Conor Bradley uu isaguna xaqiijiyey inuu mar kale diyaar u yahay inuu kooxdiisa u ciyaaro kaddib laba kulan oo uu ku seegay geeri ku timid aabbihii.