Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa usoo dallacday kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League kaddib xasuuq weyn oo ay u geysatay West Ham United oo marti ugu ahayd Stamford Bridge, taas oo keentay inay ka sare maraan Manchester United oo ay ka riixdeen booska kaalinta toddobaad.
Chelsea ayaa ku goolal tirsatay West Ham oo ay ku xasuuqday 5-0, waxaanay soo nooleeyeen rajadoodii ahayd inayd kasoo muuqdaan tartamada Yurub ee ay xilli-ciyaareedkan ka maqnaayeen.
Laba gool oo uu dhaliyey Nicolas Jackson oo uu ciyaarta kusoo xidhay iyo saddex ay qaybsadeen Cole Palmer, Madueke iyo Conor Gallagher ayaa Chelsea siiyey guul raaxo leh oo sida ay doonaan ay kubadda ugu raaxaysanayeen iyagoo dhawr daqiiqadood kubadda ka haynayey West Ham.
Chelsea ayay ku qaadatay 15 daqiiqadood oo kaliya inay la saaxiibaan shabaqa West Ham, markaas oo uu Cole Palmer darbad xooggan dhax dhigay shabaqa isaga oo kubbad ka helay xerada ganaaxa dhaxdeeda.
West Ham ayaa u dhowaatay inay jawaab ka bixiso, balse balse Jarrod Bowen ayaa madax awood badan oo uu ku qabtay kubadda waxa ay kaga dhacday birta.
Conor Gallagher iyo Noni Madueke ayaa raaciyey laba gool oo kale oo ciyaarta ka dhigay 3-0 ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana jamaahiirta Blues iyo tababare Mauricio Pochettino oo isla dhacsan ay u baxeen waqtiga sharaabka iyo nasashada.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay saddex daqiiqadood oo kaliya socotay ayaa kubbad difaaca laga soo tuuray waxa xerada ganaaxa la galay Noni Madueke oo isaga oo dhalin karaya hadiyad uga dhigay Nicolas Jackson oo isaguna shabaqa oo cidlo ah ku leexiyey, halkaasna waxa dib uga unkantay saaxiibtinimadii labadan ciyaartoy ee uu shakiga geliyey rikoodhe ay isku qabsadeen bishii hore.
Dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayuu weeraryahanka reer Senegal ee Nicolas Jackson keenay goolka shanaad ee kooxdiisa Chelsea, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 5-0.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay soo gashay kaalinta toddobaad ee horyaalka Premier League oo ay ku haysato 54 dhibcood, waxaana siddeedaad u dhacday Manchester United oo farqiga goolasha kaga dambaysa Chelsea isla markaana ciyaari doonta Isniinta.