Xog cusub ayaa daaha ka qaaday weeraryahankii ugu fiicnaa Premier League xilli ciyaareedkan, iyadoo uu u ciyaaro mid ka mid ah seddexda kooxood ee ugu horyaalka ugu sareeya mana ahan Erling Haaland.
Horyaalka heerka kowaad ee England ayaa dib u bilaabanaya todobaadkaan kadib ciyaarihii caalamiga ahaa iyadoo kooxaha Arsenal, Liverpool iyo kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ayaa dagaal saddex geesood ah u galayaan hanashada horyaalka.
Dhanka kale tartanka loogu jiro kaalimaha hadhay ee Champions League loogu soo baxayo ayaa isna kululaaday iyadoo ay ku tartamayaan Aston Villa, Tottenham iyo Manchester United.
Warbixin cusub oo ay soo saareen Squawka iyo Opta ayaa shaaca ka qaaday weeraryahanada ugu awooda badan Premier League.
Qiimayntu waxaa lagu saleeyay goolasha la filan karo oo aan rigoorayaal ku jirin, goolasha caadiga ah, caawinta, caawinta la filan karay, fursadaha waa weyn ee la abuuray, kubad soo celinta, darbooyinka, sugnanaashaha darbooyinka iyo kubadaha lagu taabtay xerada ganaaxa.
Weeraryahan kasta oo ka ciyaara heerka koowaad ayaa la qiimeeyay, waxaana la yaab leh in shanta ugu sareysa uusan ku jirin weeraryahanka Manchester City Haaland, laakiin waxaa ku jira ciyaartoyda Liverpool iyo Man United.
Weeraryahanka Reds Darwin Nunez ayaa galay kaalinta koowaad isagoo qiimeynta ku helay boqolkiiba 78aad iyadoo la tixgelinayo arimaha aan kor ku xusnay, inkastoo uu yahay xiddig goolka hortiisa ku dhibtoonayay xilli ciyaareedkan.
Waxqabadka Nunez ayaa ka dhigay inuu yahay weeraryahanka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan halka Haaland inkastoo uu goolal badan dhaliyo uu soo geli waayay shanta ugu sareysa madaama ay goolashiisa yihiin kuwa shabaqa lagu taabto isagoo aan qabanin shaqo intaas ka baxsan.
Darwin Nunez ayaa waxqabadkiisa guud waxa u sii dheer inuu 17 gool dhaliyay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.
Waxaa kaalinta labaad soo galay xiddiga Aston Villa Ollie Watkins oo qiimeyn boqolkiiba 76 helay. Waxaa seddexaad soo galay xiddiga Man United Rasmus Hojlund oo qiimeynta ku helay boqolkiiba 75. Waxaa dhameystiray shanta ugu sareysa labada xiddig ee reer Brazil ee xiddiga Fulham Rodrigo Muniz iyo xiddiga Tottenham Tottenham Richarlison.