Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku karbaashtay West Ham United oo ay ku garaacday 3-0, waana guushii saddexaad ee Red Devils ay kasoo hoyso dhamaan tartamada iyo guushii labaad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah.
Alejandro Garnacho Rasmus Hojlund ayaa go’aamiyey guusha Manchester United oo sabab u noqday inay soo galaan kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, iyagoo booskaas kala baxay kooxda ay saddexda dhibcood ka qaateen.
Rasmus Hojlund ayaa noqday shimbirka kooxda ee guushan ugu suntanaa kaddib markii uu dhaliyey goolka aftaxa oo isagana u galay taariikhda, isla markaana naadigiisa siiyey niyad fiican oo waqti horeba ay guusha jeebadda ku gashadeen.
Daqiiqaddii 23aad ayuu Rasmus Hojlund dhaliyey goolka koowaad ee Manchester United oo ahaa mid qurux badan iyadoo kubbad uu ula tegay difaacyahannada uu ku waabiyey lugta bidix, kaddibna kubadda u wareejistay lugta midig oo uu darbad xooggan weydaariyey goolhaye Alphonse Ariola.
Goolkan ayaa noqday midkii afraad ee xidhiidh ah ee uu horyaalka Premier League ka dhaliyo Rasmus Hojlund oo maanta u dabbaal-degay sannad-guurada dhalashiisa 21aad, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee Manchester United goolal u dhaliya afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo Premier League ah.
Qaybta hore ayaa ay Manchester United iska lumisay fursado ay qaybta hore goolal kale ku dhalin karaysay, waxaana kubbad gool loo qaatay birta garab mariyey Rasmus Hojlund halka Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford laga badbaadiyey kubbado.
Alejandro Garnacho ayaa hoggaanka usii dheereeyey Manchester United afar daqiiqadood markii ay socotay qaybta labaad, waxaana uu dhaliyey gool qurux badnaa oo darbad xooggan ahaa kaddib kubbad uu ka helay Bruno Fernandez.
Nasiib laawaha ciyaartan waxa uu ahaa Rashford oo kubbado badan ka helay xerada ganaaxa, kuwaas oo qaarkood uu cirka u laaday, kuwo kalena birta dhinaca mariyey.
Dhamaadka ciyaarta oo ay lix daqiiqadood ka hadhsan tahay ayey Manchester United keentay goolka afraad oo uu u dhaliyey Alejandro Garnacho oo hadiyad uu ka helay Scott McTominay la galay xerada ganaaxa, kaddibna si fudud u weydaariyey goolhaye Ariola.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay yeelatay 38 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta lixaad, waxaanay lix dhibcood ka dambeeyaan Tottenham oo kaalinta shanaad fadhida.