Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu ceebeeyey garoonkeeda Stamford Bridge, waxaana si xun ugu tumatay Wolves oo marti u ahayd oo waliba ay Chelsea gool kala hormartay, iyadoo saddexda dhibcood lagaga tirsaday 4-2.
Chelsea oo taageereyaasheedu ay filayeen inay kusoo laabato jidka guusha kaddib xasuuqii ay Liverpool toddobaadkii hore ugusoo geysatay Anfield, ayaa waxa mar kale ku dhacay niyad-jab sababay in ay garoonka iskaga dareeraan ciyaarta oo socota.
Cole Palmer ayaa Chelsea hoggaanka u dhiibay Chelsea daqiiqaddii 19aad ee ciyaarta, waxaanay xiddigaha Blues u dabbaal-dageen si weyn iyagoo filayey inay sii wadi doonaan goolasha, laakiin saddex daqiiqadood ayay Wolves ugu jawaabtay oo gool qurux badan oo difaacyahannadu aanay taxadar badan ka samaynin, kaas oo uu u dhaliyey Matheus Cunha oo saddexlay dhaliyey.
Laba daqiiqadood ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Wolves hoggaanka sii dheeraysatay oo ay keentay gool labaad oo uu iska dhaliyey difaaca reer France ee Disasi oo goolkiisa ku leexiyey kubbad uu isku dayayey inuu difaaco.
Intaas kaddib waxa sii socday gumaadka lagu hayay Chelsea, waxaanay Wolves keentay gool saddexaad oo uu u dhaliyey Cunha oo ahaa xiddiga garoonka ee goolasha ku tirsaday Blues.
Rikoodhe ayaa loo dhigay kooxda martida daqiiqaddii 82aad, waxaana gool u beddelay Matheus Cunha, taas oo keentay in taageereyaasha Chelsea ay bilaabaan inay garoonka ku cidleeyaan kooxdooda oo wali ciyaaraysa.
Thiago Silva ayaa madax ku dhaliyey gool labaad oo Chelsea ay ceebta iskaga yaraysay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 4-2, iyadoo wali Wolves halis badan ku ah goolka Chelsea.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay u dhacday kaalinta 11aad ee miiska kala-sarraynta waxaanay haystaan 31 dhibcood oo kaliya, halka Wolves oo bilowgii xilli-ciyaareedka dhibaatoonaysay ay usoo dallacday booska 10aad oo ay ku haysato 32 dhibcood.