Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Manchester United ayaa afar ciyaartoy oo aanad garanayn ugu yeedhay kulanka maanta ee semi-finalka FA Cup ee ay maanta la ciyaarayaan Coventry City.
Erik ten Hag oo saddex dhaawac oo cusub diiwaangeliyey toddobaadkan, isla markaana liiska ciyaartoydiisa ee safarka ku tegay Wembley Stadium ka reebay Sofyan Amrabat, Mason Mount iyo Willy Kambwala ayaa u yeedhay afar ciyaartoy oo da’yarta oo uu kulliyadda kasoo dallacsiiyey.
Man United oo ay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen Luke Shaw, Victor Lindelof, Jonny Evans, Raphael Varane, Lisandro Martinez iyo Tyrell Malacia oo ay sii raaceen saddexda dhaawac ee cusub.
Inkasta oo Harry Maguire uu dib ugu soo laabtay tababarka oo uu taam yahay, haddana Ten Hag oo kawalaacsan difaac yaraanta kooxdiisa iyo dhaawacyada jira, ayaa waxa uu kooxda da’yarta uga yeedhay Louis Jackson oo ah 18 jir oo difaaca dhexe kadheela.
Waxa sidoo kale liiska kooxda lagu soo daray Harry Amass oo difaac bidix ah, Habeeb Ogunneye oo aan wali kooxda u dheelin balse difaacmidig ah iyo Ethan Wheatley ooweerarka ka ciyaara.