Laba ciyaartoy oo Real Madridahayaa caawa dheeli doona kulankoodii ugu dambeeyey ee El Clasico ee Real Madrid iyo Barcelona ay iskaga hor yimaaddaan, waxaana ay ciyaarta caawa xasuus weyn u noqon doontaa xiddigahan oo tababare Carlo Ancelotti ku riixi doona inuu ciyaarsiiyo.
Real Madrid oo siddeed dhibcood ku haysa hoggaanka horyaalka LaLiga ayaa waxa ay garoonkeeda Santiago Bernabeu kusoo dhoweynaysaa Barcelona, waxaana haddii ay ka badiyaan ay tegi doonaan 11 dibcood oo nadiif ah, iyadoo horyaalkana ay ka hadhsan yihiin 18 dhibcood oo kaliya oo ay kooxuhu u dagaallamayaan.
Barcelona ayaa dhinaceeda waxa ay halgan u geli doontaa sidii aanay Real Madrid ugu ogolaan lahayn inay farqi intaas le’eg ka horreyso, si aanu xilli-ciyaareedkoodu waqti hore mugdi u gelin, iyaga oo ogsoon in ciyaartan ay ku xidhan tahay rajadooda ah inay sii tartamayaan iyo in kale.
Xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia ee Luka Modric iyo difaaca reer Spain ee Nacho Fernandez ayaa la sheeay in ciyaarta caawa ay tahay kulankoodii ugu dambeeyey ee ay iyaga oo xidhan garanka Real Madrid ay ka hor tegi doonaan Barcelona, waxaanay soo afjarayaan muddo 14 sannadood ah oo ay xidhnaayeen shaadhka Madrid.
Modric ayaa sannadkii 2012 ay Real Madrid kasoo iibsatay Tottenham, waxaanu illaa waqtigaas ahaa xiddigaha xiddigaha ay kooxdiisu ku xisaabtanto kulankan.
Sidoo kale, Nacho Fernandez oo da’yarta Real Madrid kasoo baxay ayaa kooxda koowaad loosoo dallacsiiyey xilli-ciyaareedkii 2012/14, waxaase uu kulankiisii ugu horreeyey ee El Clasico ciyaaray afr sannadood kaddib.