Liverpool ayaa uu ka maqnaan doonaa xiddigeeda Mohamed Salah usbuucyada soo socda, isaga oo xulka qarankiisa Masar u hoggaamin doona tartanka Qaramada Afrika ee lagu qabanayo waddanka Ivory Coast, iyadoo Liverpool ciyaartoydeeda ka dhax raadsan doonta garab midig oo goolal dhalin karaya.
Mohamed Salah ayaa ku dhowaad hal bil aan u ciyaari doonin Liverpool, waxaana uu seegi doonaa ciyaaro muhiim ah oo ay Reds u baahan tahay inay hesho gool-dhalintiisii iyo adeeggiisii ciyaareed.
Kalidii ma aha ciyaartoyda ka tegaysa Liverpool ee dalalkooda usoo ciyaaraya, hase yeeshee waxa ku wehelinaya khadka dhexe ee reer Japan ee Wataru Endo oo dalkiisa kala qayb-gelaya ciyaaraha Asian Cup oo iyaguna afar usbuuc socon doona.
Mohamed Salah ayaa ka maqnaan doona illaa siddeed ciyaarood oo ay ugu soo horreyso ciyaarta adag ee Axadda ee ay Arsenal martida ugu noqonayaan Emirates Stadium ee wareegga saddexaad ee tartanka FA Cup, waxaana haddii uu dalkiisu uu gaadho finalka AFCON uu seegi doonaa ciyaarta Fulham ee February 10.
Waa kuwan 8da ciyaarood ee uu Mohamed Salah ka maqnaan doono Liverpool
- Arsenal – Marti – Wareegga 3aad ee FA Cup – January 7
- Fulham – Minan – Lugta hore ee Semi-finalka Carabao Cup – January 10
- Bournemouth – Marti – Premier League – January 21
- Fulham – Minan – Lugta labaad ee semi-finalka Carbao Cup – January 24
- Wareegga 4aad ee FA Cup haddii ay kasoo badiyaan Arsenal – January 27
- Chelsea – Minan – Premier League – January 31
- Arsenal – Marti – Premier League – February 4
- Burnley – Minan – Premier League – February 10