Kooxaha reer Yurub ee Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa ku tartamaya xiddig ka tirsan Real Madrid oo koox walba ay doonayso inay ku xoojiso safkeeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda.
Manchester United oo kaalinta toddobaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa u aragta inay u baahan tahay inay iska xoojiso dhawr meelood oo uu saluug ka jiro, waxaanay calaamadsatay xiddig ka tirsan Real Madrid, balse Paris Saint-Germain ayaa iyaduna laacibkaas diiraddeedu saaran tahay.
Ciyaartoyga ay labadan kooxoodba raadinayaan waa goolhayaha reer Ukraine ee Andriy Lunin oo bandhig fiican ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkan oo Real Madrid uu ka dhaawacan yahay goolhaye Thibaut Courtois oo aan xataa hal kulan u safanin.
Andriy Lunin ayaa booska ka garbistay Kepa Arrizabalaga oo ay Real Madrid amaah kaga soo qaadatay Chelsea si uu u noqdo goolhayahooda beddelaya Courtois, laakiin bandhig cajiib ah oo uu lasoo baxay Lunin ayaa keenay in Carlo Ancelotti uu ku aamino labada birood dhaxdooda.
25 jirkan oo laba rikoodhe ka badbaadiyey Manchester City wareeggii siddeedda Champions League oo kooxdiisa usoo saaray semi-finalka, ayaa Real Madrid ay isku dayaysaa inay heshiis cusub ka saxeexdo, laakiin Manchester United ayaa xidhiidh toos ah la samaynaysa laacibkan oo u ballanqaadaysa inuu noqonayo goolhayaha koowaad oo ay booska uga saari doonaan Andre Onana.
Sidaas oo kale, PSG ayaa iyaduna u doonaysa inuu noqdo goolhayaha labaad ee kaydka u fadhiya Gianluigi Donnarumma.