Arsenal ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada lagu iibinayo weeraryahanka Brazil Gabriel Jesus, oo 27 jir ah, xagaagan. (Football Insider)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ghana Thomas Partey, oo 30 jir ah, iyo Jesus ayaa la sheegay inay diirada u saaran yihiin kooxo dhowr ah oo ka dhisan Saudi Arabia iyadoo qandaraasyo qaali ah lagu soo jiidanayo labada xiddig ee Arsenal. (Express)
Mustaqbalka weeraryahanka Newcastle Callum Wilson ayaan weli la hubin iyadoo 32 jirka reer England si xoogan loola xiriirinayo inuu ka tagayo St James’ Park. (Mirror)
Tababaraha ka tagaya Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa hogaaminaya loolanka loogu jiro inuu noqdo tababaraha xiga ee Manchester United iyadoo kooxda Premier League ay dooneyso inay badasho Erik ten Hag. (Football Insider)
Borussia Dortmund ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga amaahda uga maqan Man United ee Jadon Sancho xilli ciyaareedka soo socda, laakiin ma dooneyso inay si joogta ah u iibsato madaama aysan awoodin qiimihiisa. (Sky Sport Germanu)
Manchester United ayaa rajeyneysa inay 100 milyan ginni ku hesho iibka Jadon Sancho iyo Mason Greenwood. (Sport I)
Weeraryahanka Stuttgart ee Guinea Serhou Guirassy, oo 28 jir ah, ayaa diirada u saaran Arsenal iyadoo Mikel Arteta uu doonayo inuu ku xoojiyo weerarkiisa. (Fichajes)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Kalvin Phillips rajada uu ka qabo inuu dib ugu soo laabto Leeds United xagaagan waxay ku xiran tahay in kooxda Elland Road ka dhisan ay dib ugu soo laabato Premier League. (Football Insider)
Aston Villa ayaa aad ugu dhow inay la wareegto daafaca Atletico Madrid Mario Hermoso oo 28 sanno jir ah. (AS)
AC Milan ayaa diyaar u ah inay ka fiirsato saxiixa 24 jirka reer Canada Jonathan David oo u ciyaara koooxda Faransiiska ee Lille. (Calciomercato)