Tababarihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa loo magacaabayaa koox horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah oo uu ogolaaday in uu la wareego marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan ay maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.
Tababare Loptegui oo ay da’diisu tahay 57 jir oo xagaagii ka tegay Wolves oo uu shaqo badan ka qabtay, ayaa waxa uu heshiis la gaadhay West Ham oo uu u beddelayo David Moyes oo la eryayo marka ay kooxdu dheesho labada ciyaarood ee uga hadhay xilli-ciyaareedkan.
Labada dhinacba waxa ay dhamaystireen heshiiska oo kaliya hadda ay shaacintiisu hadhsan tahay, sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano oo qoraal uu ku daabacay barihiisa bulshada kusoo bandhigay halka ay wax marayaan.
“Julen Lopetegui waxa uu heshiis la gaadhay West Ham oo uu u noqon doono tababaraha koowaad ee u beddelaya Daivd Moyes xilli-ciyaareedka dambe.” Ayuu yidhi Fabrizio Romano.
Waxa uu intaa ku daray: “Lopetegui waa uu aqbalay dalabka iyo mashruuca West Ham, waxaana la dhamaystiray hedshiiska oo ay dhinacyadu saxeexi doonaan ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin.”
Heshiiska ay West Ham la gashay Julen Lopetegui ayaa yimid markii ay Chelsea 5-0 ku xasuuqday kooxdaas Axaddii, isla markaana tababare David Moyes uu u muuqday in aanu kooxda ku hagi karaynin tubta guusha.
December 2019 ayaaDavid Moyes uu noqday tababaraha kooxdan ka dhisan Bariga London, balse lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada xilli-ciyaareedkan ayaanay wax guul ah gaadhin.