Manchester United ayaa lagu waramayaa inay kabtankeeda Bruno Fernandes u adeegsaneyso hishiis kala bedelasho xagaagan.
Fernandes oo dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiye ka ahaa todoba kale oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, ayaa u muuqday dhawaan mid si maldahan u sheegaya inuu bixi doono xagaagan.
Wargeyska Isbaanishka ee Nacional ayaa qoray in xiddiga reer Portugal loo adeegsan doono hishiis kala bedelasho oo aad u weyn.
Wargeyska ayaa qoray in United ay u bandhigtay Barcelona inay qaadato Bruno Fernandes, bedelkiisana ay la soo wareegto xiddigii mudada dheer diirada u saarnaa ee Frenkie de Jong.
United ayaa xagaagii 2022kii waxay si weyn u dooneysay xiddiga khadka dhexe ee reer Holland, laakiin waa ay ku guuldareysteen taasoo keentay inay bedelkiisa 70 milyan ginni ku soo iibsadaan Casemiro.
De Jong ayaa weli ku sugan Barcelona, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu ku jiro liiska ciyaartoyda uu doonayo milkiilaha cusub ee Man United Sir Jim Ratcliffe.
Laakiin madaama aysan United dooneynin inay bixiso lacagta lagu qiimeynayo Frenkie de Jong oo gaareysa 77.5 milyan ginni, waxay doonayaan in Fernandes uu ka caawiyo qeyb badan oo lacagtaas ka mid ah.
Dalabka Man United ayaa ah inay 17 milyan ginni iyo Bruno Fernandes ku soo bedeshaan De Jong.
Waxaa la soo jeediyay in Fernandes uu aqbalayo inuu Barcelona ku biiro, isagoo xitaa diyaar u ah inuu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu u matalo Blaugrana.