Pep Guardiola ayaa tababare u soo noqday qaar ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn dunida kubada cagta, laakiin hal ciyaaryahan oo u soo dheelay Man United ayuu ka qoomameynayaa inuusan waligiis tababare u noqonin.
Ninka reer Catalan waa tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Manchester City, wuxuuna dhaafi karaa rikoodhka Sir Alex Ferguson haddii u sidaan ku sii socdo.
Waxaa la weydiiyay tababarihii Barcelona inuu magacaabo hal ciyaaryahan oo Man United ah oo uu jeclaan lahaa inuu tababare u noqdo.
Guardiola ayaana doortay xiddig leh tayada uu jecel yahay isagoo yiri:
“Ah, Paul Scholes, ciyaaryahanka aan ugu jeclahay”
Scholes ayaa inta badan amaan ka hela ciyaartoydii hore ee Barcelona iyadoo Gaurdiola uu mar ku tilmaamay xiddigii khadka dhexe ee ugu fiicnaa jiilkiisa, isagoo waqtigaas sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka garab dheelo Scholes.
“Inta Manchester United joogta oo dhan, waxaan dooran lahaa Paul Scholes – waa xiddiga khadka dhexe ee ugu fiican jiilkiisa” ayuu Guardiola yiri ka hor finalkii Champions League ee 2011kii.
“Waan jeclaan lahaa inaan isaga ka garab ciyaaro” ayuu hadalkiisa raaciyay.