Manchester United ayaa qorsheyneysa inay qiimo la aqbali karo ku iibiso xiddiga garabka uga ciyaara Brazil Antony, oo 24 jir ah, iyadoo Man United ay dooneyso inay bedelkiisa u dhaqaaqdo xiddiga Ceystal Palace Michael Olise oo 22 jir ah. (Rudy Galetti)
Inter Milan ayaa xiiseyneysa daafaca Manchester United iyo England Aaron Wan-Bissaka, oo 26 jir ah, hadii daafaca midig ee Netherlands Denzel Dumfries, 27, uu ka tago Serie A xagaagan. (Gazzetta dello Sport)
Tababaraha kooxda Sporting Lisbon ee Ruben Amorim ayaa la siin doonaa waqti uu ku dhaqan galiyo qaab ciyaareedkiisa Liverpool hadii uu noqdo tababarahooda cusub. (Insider Football)
Arsenal ayaa dooneysa inay keensato weeraryahan si ay hesho xiddig la tartama weeraryahanka Brazil Gabriel Jesus, 27, iyo xiddiga Jarmalka Kai Havertz, 24, iyadoo bartilmaameedka ugu sarreeya uu ka mid yahay weeraryahanka Bologna ee Holand Joshua Zirkzee, oo 22 jir ah. (TeamTalk)
Manchester United ayaa ugu cad inay xagaaga iibsadaan weeraryahanka Brentford iyo xulka qaranka England Ivan Toney, oo 28 jir ah (Mirror).
Tottenham ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay kordhiso dadaalkeeda ku aadan saxiixa 22 jirka khadka dhexe ee Atalanta ee Ederson. (TeamTalk)
Daafaca reer England Lewis Hall, oo 19 jir ah, kaasoo amaah ugu jooga Newcastle United kana yimid Chelsea, ayaa qarka u saaran inuu ka tago Blues xagaagan si uu ugu biiro St James’ Park. (Mirror)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Conor Gallagher, oo 24 jir ah, ayaa aqbalay inuu ka tagi doono Chelsea xagaagan hadii aan loo soo bandhigin qandaraas cusub ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka. (HITC)