Liverpool ayaa halgan u geli doonta inay kusoo laabato jidka guusha oo ay la wareegto hoggaanka horyaalka Premier League marka ay galabta garoonka Anfield ku martigeliso kooxda reer London ee Crystal Palace.
Jurgen Klopp ayaa kooxdiisa waxa isla garoonkeeda Anfield ku xasuuqday Atalanta fiidkii Khamiistii, waxaana lagu bahdilay 3-0 iyadoo taageereyaashii mayalka adkaa ay ku qasbanaadeen inay garoonka iskaga dareeraan.
Atalanta ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee Liverpool kaga guuleysata garoonka Anfield tan iyo February 2023 oo laga joogo sannad iyo dheeraad.
Waxa uga horreeyey barbarro ay Liverpool la gashay Manchester United oo sabab u noqotay in hoggaanka ay lumiso Reds, balse maanta oo ay guuleysato ayay dib ugu laaban doontaa figta sare iyadoo laba dhibcood dhaafi doonta Man City oo xalay si ku-meelgaadh ah ula sii wareegtay.
Laakiin miiska kala-sarraynta waxa beddeli karta Arsenal oo iyaduna fiidka hore garoonka Emirates Stadium kusoo dhoweynaysa Aston Villa.
Fursadda Liverpool ay ku guuleysan karayso waxa si weyn sare ugu qaaday ciyaartoyda muhiimka ah ee Diogo Jota iyo Trent Alexander-Arnold oo dib ugu soo laabtay isla markaana kooxda lagu soo daray ciyaartii Khamiistii ee Europa League.
Waxa kale oo ay Liverpool dib u heshay Alisson Becker oo muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaa iyo Stefan Bajcetic, hase yeeshee waxa ka maqan saddexda ciyaartoy ee Joel Matip, Thiago Alcantara iyo Ben Doak.
Goolhayeyaal: Caoimhin Kelleher, Fabian Mrozek, Adrian, Alisson
Difaaca: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold
Khadka Dhexe: Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, Bobby Clark, James McConnell, Wataru Endo, Stefan Bajcetic
Weerarka: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Jayden Danns, Diogo Jota