Manchester United ayaa ka arrinsanaysa oo ka sheekaysanaysa tababaraha ay ku beddelayaan Erik ten Hag oo la filayo in shaqada laga caydhiyo dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxaana ay diiradda kooxdu hadda saaran tahay tababare khibraddiisu yar tahay oo jooga horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A, kaas oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Brazil laakiin u ciyaaray xulka Talyaaniga, ka hor intii aanu noqonin tababaraha.
Arbacadii ayay warbaahinta ESPN sheegtay, in Manchester United ay qiimaynayso saddexda tababare ee Roberto De Zerbi, Thomas Frank iyo Gareth Southgate oo ay midkood magacaabi doonaan, laakiin waxa hadda soo baxaya war kale oo sheegaya in ay kooxdu diiraddeeda u jeedin doonto horyaalka Talyaaniga.
Sir Jim Ratcliffe oo hadda maamula Manchester United ayaa la sheegay in saddexda tababare ee sare ku xusan ba ay liiskiisa ku jiraan, laakiin uu doorbidayo inuu sidoo kale helo dookh kale oo la iman kara xeelado ciyaareed oo cusub iyo falsafad ay guulo ku gaadhi karto Red Devils.
Warka ayaa intaa ku daray, in tababaraha ay hadda Manchester United ka arrinsanayso uu yahay Thiago Motta oo ah tababaraha kooxda kooxda Bologna ee horyaalka Talyaaniga, waxaana halyeygan hore ee usoo dheelay kooxaha Barcelona iyo PSG oo asal ahaan kasoo jeeda Brazil laakiin u ciyaaray xulka Talyaanigu uu sumcad badan ku kasbaday shaqada uu ka qabtay Bologna.
Kooxdiisa ayaa waxa ay hadda kaalinta afraad kaga jirtaa horyaalka Talyaaniga, iyagoo ka sarreeya AS Roma, Atalanta iyo kooxda sannadkii hore ku guuleysatay koobka horyaalka Talyaaniga ee Napoli.