Manchester United iyo Manchester City ayay mid walba heli doontaa lacag malaayiin ah kaddib markii ay usoo gudbeen finalka tartanka FA Cup, waxaana lacagta loo badin doonaa naadiga ku guuleysta koobka.
Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa shaaciyey, in ciyaarta finalka la dheeli doono maalinta Sabtida ee May 25 marka ay Saacadda Geeska Afrika tahay 5pm.
Manchester City oo ah kooxda koobka difaacanaysa waxa ay waajihi doontaa Manchester United oo koobka kaliya ee ay u dagaallamaysaa uu yahay FA Cup, isla markaana rikoodheyaal kaga soo adkaatay Coventry City iyadoo waliba niyad-jab laga muujiyey bandhiggii liitay ee ciyaartoyda Man United ay sameeyeen Axaddii.
Kaddib markii ay soo gaadheen finalka, xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA Cup waxa uu labada kooxood mid walba u shubi doonaa lacag dhan £1 milyan oo Gini oo ah inay usoo gudbeen ciyaarta ugu dambaysa ee tartankan.
Kooxda koobka ku guuleysata ayaa waxa kale oo la siin doonaa lacag dhan £2 milyan oo Gini oo ah koobka ay ku guuleysatay, halka kooxda laga badiyana la siinayo intaas kala badhkeed oo noqonaysa £1 milyan oo Gini.