Labada kooxood ee Liverpool iyo Arsenal ayaa mid walba ay dhinaceeda wada-hadallo ula furtay wakiilka xiddig muhiim u ah Real Madrid oo ay qorshaynayaan inay la saxeexdaan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda.
Arsenal oo hoggaaminaysa horyaalka Premier League ayaa xidhiidh toos ah la samaysay wakiilka difaaca bidix ee Real Madrid ee Ferland Mendy oo uu tababare Mikel Arteta u doortay inuu ku xoojiyo safkiisa, iyadoo meelaha ay Gunners ka liidato uu ka mid yahay booska difaaca bidix ee uu dhaawacu daashaday Oleksandr Zinchenko.
Mendy oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayaa waxa sidoo kale la xidhiidhay Liverpool oo u aragta inuu buuxin karayo booska Andy Robertson oo lala xidhiidhinayo Bayern Munich.
Sida uu qoray wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, Liverpool iyo Arsenal waxay mid walba dhinaceeda wada-hadallo ula yeelatay wakiilka Mendy, balse Real Madrid ayaa waxa ay iyaduna isku dayaysaa in ay sii haysato laacibkan illaa sannad kale haddii ay weydo Alphonso Davies oo difaaca bidix uga ciyaara Bayern Munich, kaas oo qandaraaskiisa uu sannad ka hadhsan yahay iskana diiday inuu heshiis cusub u saxeexo Munich.
Mikel Arteta ayaa xilli-ciyaareedkan waxa uu difaada bidix u kala beddelay Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior iyo Takehiro Tomiyasu, waana booska ay kooxdiisu inta ugu badan ka dhibaatootay.
Mendy ayaa sannadkii 2019 ay Real Madrid lacag dhan £42 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Lyon, waxaana illaa hadda uu u saftay 112 ciyaarood oo uu u dhaliyey afar gool, halka xulka qarankiisana uu u dheelay sagaal mar oo kaliya.