Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaallamaya saxeexa ciyaartoy 19 jir ah oo qiimihiisa lagu sheegay €120 milyan oo Euro, kaas oo mid walba ay doonayso inay safkeeda ku xoojiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga.
Manchester United oo ku jirta kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League ayaa la filayaa in maamulka cusub ee la wareegay ee uu hormoodka u yahay Sir Jim Ratcliffe inuu kusoo kordhiyo dhiig cusub oo khadka dhexe, difaaca iyo garabaha weerarka ah.
Manchester City ayaa iyaduna doonaysa inay sii wadato guulaha ay xilli-ciyaareedkii hore gaadhay ee dhamaan tartamada ay ku guuleysteen, waxaana u calaamadsan dhawr ciyaartoy oo dhawr boos ay iskaga xoojin doonaan, gaar ahaan khadka dhexe iyo difaaca dhinacyada.
Labada kooxoodba waxa ay calaamadsadeen xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Benfica iyo xulka Portugal ee Joao Neves oo qiimihiisa lagu sheegay €120 milyan oo Euro, kaas oo hore uu kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu la wadaago qolka labbiska Man United.
Neves ayaa ka ciyaara dhawr meelood oo kala duwan oo khadka dhexe ah, laakiin booskiisa ugu fiican ayaa ah No.6, halka uu sidoo kalena kusoo baxo inuu helo xorriyad gool illaa gool ah.