Liverpool ayaa kula biirtay Arsenal iyo Manchester United tartanka ay ugu jiraan garabka weerarka Borussia Dortmund iyo xulka Netherlands ee Donyell Malem oo 25 jir ah. (Bild)
Tababaraha West Ham ee David Moyes ayaa diyaarinaya dalab uu ka gudbinayo difaaca dhexe ee Manchester United ee Harry Maguire oo 31 jir ah. (Sun)
Weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford, ayaa go’aansaday in uu iska diido PSG oo si weyn u doonaysa, waxaanu sii joogayaa Old Trafford. (Sun)
Atletico Madrid waxa ay qorshaynaysaa in ay xagaaga u dhaqaaqdo Mason Greenwood oo ah 22 jir amaah ugu ciyaara Getafe, laakiin Man United ayaa ku xidhi doonta £50 milyan oo Gini. (Football Transfers)
Bartilmaameedka Chelsea ee Leny Yoro ayaa doonaya inuu ku biiro Real Madrid, laakiin waxa mustaqbalkiisu uu gacanta ugu jiraa Lille oo dalbanaysa 100 milyan oo Euro. (Marca)
Christian Eriksen waxa uu ka tegi doonaa Manchester United dhamaadka xilli-ciyaareedkan, haddii uu dalab macquul ah ka helo meelo kale. (Football Transfers).
Brighton waxa ay si dhow ula socotaa garabka weerarka Arsenal ee Reiss Nelson oo 24 jir ah oo ay doonayaan inay la saxeexdaan xagaaga. (Football Transfers)
Inter Milan waxa ay kalsooni buuxda ku qabtaa in weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez oo 26 jir ah uu u saxeexi doono qandaraas cusub. (Fabrizio Romano)
Weeraryahanka Faransiiska ee Olviier Giroud oo 37 jir ah waxa uu doonayaa in uu tago horyaalka waddanka Maraykanka ee Major League Soccer oo uu kaga birii doono naadiyada ka dhisan Los Angels ama New York, waase marka uu dhamaado qandaraaskiisa AC Milan oo ku eg dhamaadka xilli-ciyaareedka. (Gazzetta dello Sport)
Liverpool waxay si dhow ula socotaa difaaca Ajax ee Jorrel Hato oo ah 18 jir u dhashay waddanka Netherlands. (Football Insider)