Tartanka horyaalka Premier League ayaa maraya meeshii ugu adkeyd iyadoo Arsenal ay hogaanka uga heyso Liverpool farqiga goolasha madaama ay wadagaan 64 dhibcood, halka Man City ay hal dhibic ka danbeyso labada kooxood, waxaana horyaalka ka harsan kaliya 10 kulan.
Arsenal waa kooxda dhalisay goolasha ugu badan xilli ciyaareedkan (70), waana kooxda laga dhaliyay goolasha ugu yar (24), waxayna ku jiraan qaab ciyaareed cajiib ah sannadkan 2024. Waxay wada badiyeen dhamaan sideedii kulan ee ay ciyaareen sannadkan oo ay ku jirto kulankii ay Liverpool ku martigeliyeen Emirates Stadium.
Weeraryahankii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal ay qaab ciyaareedkan sii wadi doonto oo ay horyaalka ka qaadi doonto Liverpool iyo Manchester City.
“Arsenal ayaa ku guuleysan doonta Premier League” ayuu Wright u sheegay Sky Sports.
“Dabcan, waxaan dhahayaa Arsenal. wixii dhacay xilli ciyaareedkii hore, waxay si sax ah u garanayaan waxa ay u baahan yihiin inay sameeyaan. Waxay ku jiraan qaab ciyaareed heer sare ah, dhammaan ciyaartoydoodana waa taam hadda.
“Ciyaartoyda waa kuwa si weyn diirada u saaraya horyaalka, tababaraha waa mid hami sarre leh oo diirada saaraya shaqada laga doonayo. Dabcan, waxaan dhahayaa waa Arsenal; waa qsab inaad Arsenal tiraahdo.”
Arsenal ayaa hogaanka ka heysay Man City inta badan xilli ciyaareedkii hore ka hor inta aysan badinin kaliya seddex ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay iyagoo horyaalka u hadiyeeyay kooxda Guardiola oo qaaday markii seddexaad oo isku xigta.