Manchester City iyo Arsenal ayaa helay war ka farxiyey oo ka caawinaya inay noqdaan labada kooxood ee ugu cadcad ku guuleysiga horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu tababare ku-xigeenka Liverpool uu maanta shaaciyey in afar ciyaartoy oo laf-dhabar u ah naadigiisa ay muddo dheer ka maqnaan doonaan garoomada.
Liverpool ayaa waxa ragaadiyey dhaawacyo inkasta oo ay wali yihiin kooxda hoggaanka haysa oo ay afar dhibcood ka sarreeyaan naadiga kusoo xiga ee Man City, iyagoo Arbacadiina 4-1 ku karbaashay Luton Town.
Pep Guardiola iyo Mikel Arteta ayaase farqiga dhibcaha soo yarayn karaya usbuucan haddii ay guulo ka keenaan kulamadooda Bournemouth iyo Newcastle United oo ay la kala ciyaarayaan.
Si kastaba, labadan kooxood ayaa waxa kale oo farxad u noqday hadal kasoo yeedhay tababare ku-xigeenka Liveprool Pep Lijnders oo ahaa in afar ciyaartoy oo muhiim ah ay kooxdiisa ka maqnaan doonaan tan iyo dhamaadka bisha March.
Pep Lijnders oo saxaafadda la hadlayay maanta ayaa yidhi: “Alisson Becker waxa uu ka dhaawacan yahay muruqa, waxaanu soo noqon doonaa kaddib ciyaaraha caalamiga ah. Waxay qaadan doontaa waqti.
“Trent Alexander-Arnold dhaawaciisu waa carjowda jilibka, waxaanaynu eegi doonaa kaddib ciyaaraha caalamiga ah. Diogo Jota isagana waa jilibka, waxaana uu soo laabanayaa kaddib ciyaaraha caalamiga ah.
“Curtis Jones waxa uu dhaawacu kasoo gaadhay kuraanta sare, waxaanu soo laaban doonaa kulamada caalamiga ah kaddib.”
Waxa kale oo uu Pep Lijnders sheegay in Domink Szoboszlai, Mohamed Salah iyo Darwin Nunez aanay taam buuxa u ahayn kulanka finalka Carabao Cup ee Chelsea ee Axadda, laakiin ay xaaladdooda qiimayn doonaan maalita Sabtida.